Sign in to follow this  
Deeq A.

Antonio Guterres ” Gaza waxay noqotay Xabaasha Carruurta reer Falastiin”

Recommended Posts

Deeq A.   
Kenya_Sudan_UN_Guterres_28408.jpg?resize

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si deg deg ah ugu baaqay xabbad-joojin bini’aadantinimo oo laga sameeyo Gaza, taasoo uu sheegay inay noqotay ‘xabaasha’ boqollaal carruur Falastiiniyiin ah maalin kasta.

“Waddada loo marayo xabbed-joojinta waa caddahay, Xabbad joojin bini’aadantinimo waa in hadda la sameeyo.” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyadu ay sidoo kale ixtiraamaan waajibaadkooda, sida uu qabo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, cid kasta oo ku lug leh dagaal hubaysanna aysan ahayn inay ka sarreyso sharciga.

Guterres wuxuu sheegay in ixtiraamka sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ay la macno tahay ilaalinta rayidka – oo ay ku jirto inaan rayidka loo isticmaalin sidii gaashaanka – isbitaallada, xarumaha Qaramada Midoobay, hoyga iyo dugsiyada Gaza iyo kor u qaadista gargaarka iyo shidaalka dhulka go’doonsan.

PUNTLAND POST

The post Antonio Guterres ” Gaza waxay noqotay Xabaasha Carruurta reer Falastiin” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this