Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Oromo ah oo lagu dilay degaanka Milxo ee gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   
20220911_204315.jpg?resize=720%2C403&ssl

Wararka ka imaanaya degaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay laba nin oo ka soo jeeda qoomiyadda Oromada dalka Itoobiya.

Wararka ayaa intaaa ku daraya in dilka labada nin uu ka dhashay muran dhexmaray iyaga iyo rag Soomaali ah waxaana sidoo kale falkaas ku dhaawacmay laba ruux oo kale.

Labada ruux ee dhaawacmay ayaa mid ka soo jeeda qoomiyadda Oromada halka kan kalena Soomaali yahay sida laga soo xigtay goob-joogayaal ku sugan degaanka Milxo.

Faahfaahin intaas ka baxsan ilaa iyo hadda lagama helin falkaasi dilka ah ee ka dhacay degaanka Milxo islamarkaana ma jirto cid weli si shaacsan uga hadashay.

PUNTLAND POST

The post Laba Oromo ah oo lagu dilay degaanka Milxo ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this