Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad ka soo kala jeeda SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo duleedka Yeyle

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699435061314.jpg?resize=720%2C40

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed ka socda tuulada Buq-dharkayn oo ka tirsan degaanka Yeyle ee galbeedka gobolka Sool.

Dhawaqa rasaasta qoryaha daran-doorriga u dhaca ayaa laga maqlayaa nawaaxiga Buq-dharkayn waxaana la sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal xooggan.

Dagaalkaas ayaa sida lagu soo warramayo u dhexeeya laba maleeshiya-beeleed oo ka soo kala jeeda SSC-khaatumo iyo Somaliland.

Wararka hordhaca ah ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay dagaalka inkastoo aan weli xog sugan laga helin.

PUNTLAND POST

The post Maleeshiyaad ka soo kala jeeda SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo duleedka Yeyle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this