Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee qorshaynta Somaliland oo la xidhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumadda Somaliland ayaa xidhay Caawale Ibraahin Shirwac oo hore u ahaa wasiirka  qorshaynta Qaranka Somaliland.

Ilaa hadda ma cada sababta ka Dambaysa xadhiga Wasiirkii hore ee qorshaynta oo haatan ku xidhan xarunta dambi baadhista ee magaalada Hargeysa.

Cawaale Shirwac ayaa maalmihii u dambeeyay baraha Bulshada gaar ahaan Twitterka ku shaaciyay; in Mas’uul ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Biixi uu ka qayb-galay shir ka dhacay Dalka Qatar, kaasi oo kasoo horjeeda Qadiyadda Somaliland.

Cawaale Shirwac ayaa sheegay in uu kamid ahaa dadkii shirkaas lagu casuumay, balse uu isagu diidey inuu ka qayb-galo, maadaama uu ahaa shir kasoo horjeedda qadiyadda Somaliland, sida uu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this