Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo kadis ku tegay mid kamid ah wasaaradaha DF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
399334504_695204259375390_47165348545791

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer kadis ahaa ku tegay Xarunta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Ujeedka kormeerka Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriiray u kuur-gelida hambsami u socodka howlaha ay Wasaaradda u hayso Qaranka Soomaaliyeed.

Xamza ayaa marka uu tegay Xarunta Wasaaradda mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta, si uu u arko shaqada ka socota.

Sidoo kale waxa ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda warbixinno la xiriira adeegyada ay Wasaaraddu siiso bulshada Soomaaliyeed iyo halka ay marayaan qorsheyaasha waxqabad ee wasaaradda.

Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay howlwadeennada uu la kulmay ayaa kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo shaqada ay u hayaan Qaranka.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa qeyb ka ah hawlaha kor-joogteynta iyo la socodka shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda DanQaran iyo hey’adaha kale ee Dowladda, si loo dhaqan geliyo hiigsiga xukuumadda eek u saleysan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.

Horay sidaan oo kale Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa u kormeeray wasaarado ka tirsan xukuumaddiisa, si uu ugala xisaabtamo howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

399262656_695204246042058_12143181517576 399271127_695204199375396_46764794433940 399334504_695204259375390_47165348545791 399413366_695204209375395_19986981808728

The post R/W Xamza oo kadis ku tegay mid kamid ah wasaaradaha DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this