Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo taageeray go’aannadii isimada Puntland ee arrimaha doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699337935413.jpg?resize=648%2C65

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo kamid ah duubabka dhaqanka Puntland ayaa soo dhaweeyay go’aannadii arrimaha doorashada ee ka soo baxay shirkii Isimada ee Garoowe.

Amiir Maxamuud ayaa sheegay in uu ayidsan yahay go’aanka isimada dhaqanka ee ku shiray Garoowe ay ka soo saareen arrimaha doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024.

“Go’aamadii ka soo baxay Issimadii madashaas fadhiyay wuxuu ku salaysnaa hal qodob oo ah in ay dhacdo doorasho nabad ah wakhtigeediina dhacda, waa tii waajibka iyo sunnaha ku ahayd dhaman dowladihii soo maray mandiqada”.

“Issimadu waxay qireen dadaalkii ay galisay Dowladu in la helo doorasho qof iyo cod ah. Waxay kaloo qireen in maamulka iman doonaa ay waajib ku tahay dhamaystirka geedi socodkii la soo bilaabay ee hantida badani ay gashay”.

“Issimada go’aankan soo saaray waa dhaqankii samakataliska ahaa ee bushada ugu fadhiyay qiimaha badan. Waxaan ayidayaa go,aankaas ku fadhiya maslaxada iyo garashada saliimka ah ee aan waxba ka tagin, Waxaanan soo jeedinayaa in la wada qaato” ayuu yiri Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise.

PUNTLAND POST

The post Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo taageeray go’aannadii isimada Puntland ee arrimaha doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this