Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Maraykanka ee Bariga dhexe oo wajahaya weerarro joogta ah

Recommended Posts

Deeq A.   
3e55d938-8885-4041-bb6b-6daa85c84cc0_w40

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya ayaa lagu weeraray diyaaradaha drones-ka iyo gantaalaha kooxaha ay taageerto Iran ugu yaraan 38 jeer wax ka yar mudda bil ah.

Saraakiisha difaaca ayaa sheegay in inta badan weerarradan ay fashiliyeen ciidamada Mareykanka ama ay ku guuldareysteen inay gaaraan bartilmaameedkooda.

Weeraradaas waxaa ku dhaawacmay 46 askari oo Maraykan ah, waana in ka badan laba jibbaar intii hore loo sheegay, sida lagu sheegay tirokoob uu  bixiyay xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Brigadier General Pat Ryder.

“Dhaawacyadani waxay noqon karaan waxyaabo ay ka mid yihiin firirm, madax-xanuun, dhaga-dillaac, maqal-yari, murgacashada anqawga, iyo sidoo kale dhaawacyo maskaxeed oo naxdin leh.” ayuu yiri Pat Ryder.

Ugu yaraan 16 ka mid ah weerarada inta badan aan lagu guuleysan ee ka dhanka ah ciidamada Mareykanka ayaa la fuliyay kadib markii ciidamada Mareykanku ay Jimcihii lasoo dhaafay ay weerareen xarun lagu keydiyo hubka iyo rasaasta oo ku taal bariga Suuriya.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Maraykanka ee Bariga dhexe oo wajahaya weerarro joogta ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this