Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka dhashay iska hor imaad ka dhacay magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699351356053.jpg?resize=720%2C54

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa iska hor imaad kooban oo duhurnimadii maanta ka dhacay bartamaha caasimadda Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in is rasaasayntu dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo kuwa taabacsan dhinaca mucaaridka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda oo gelbinaya nin Youtuber ah lagu weeraray barxadda Garoowe.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday is-rasaasaynta halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidanka dowladda.

Weli ma cadda waxa iska hor-imaadka sababay islamarkaana kama hadlin laamaha Amniga dowladda Puntland.

Dhinaca kale ciidamada mucaaridka ayaa hoobiye ku tuuray afaafka hore ee xarunta madaxtooyada inkastoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

PUNTLAND POST

The post Khasaare ka dhashay iska hor imaad ka dhacay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this