Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo qorshaynaya inuu Saldhig ka dhisto Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Vladimir Putin ayaa wada qorshe saldhig ciidammada badda Ruushka ay ka sameysanayaan xeebaha dalka Liibiya.

Xogtan ayaa laga helay xubnaha ku dhaw dhaw Jeneraal Haftar oo ah hogaamiyaha gacanta ku haya maamulka gobalada Barigga Liibiya.

Haftar ayaa bishii September booqasho uu ku tagay Moscow.

Kulankii uu la yeeshay Putin arrinta ugu weyn oo ay ka wadahadleen ayaa ahayd dhismaha Saldhigan.

Ruushka ayaa Qorshaynaya saldhigan oo awood uu siinaya goob istaraatiiji ah oo ku beegan koonfurta dalalka Yurub.

Hore ayey dalka Liibiya u joogeen kooxda Ruushka ee Wagner oo gacan kasiin jiray Haftar dhanka tababarada ciidammada.

Hase-yeeshee Ruushka ayaa hada Qorshaynaya inuu balaadhiyo joogitaankiisa Liibiya oo khatar ku noqon doonta danaha Mareykanka iyo xulafadiisa NATO.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this