Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiradda Dhimashada Shacabka Gaza oo kor u dhaaftay 10.000

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta ayey ku beegan bil kahor markuu billaamay dagaalka Gaza. Tiradda shacabka lagu dilay duqeynta Israel ayaa kor u dhaaftay 10.000 qof.

Israel ayaa xalay duqeyn xoogan la beegsatay Koonfurta Gaza gaar ahaan Rafax, oo kamid ah goobaha ay shacabka u qaxeen.

Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shalay gelinkii danbe markale ku baaqay xabad-joojin deg deg ah.

Guterres ayaa sheegay in Gaza isu bedashay “Xabaalaha carruurta”.

Tiradda caruurta lagu dilay xasuuqa Gaza ay ka badan 5000, Israel ayaa toddobaad walba duqeynta ku disha in ka badan 1000 carruur ah.

Israel iyo xulafadooda reer Galbeedka ayaa weli diidan in lagu dhawaaqo Xabad-joojin.

Mareykanka ayaa codkiisa qayaxan ee Veto ku horjoogsaday dhammaan isku dayayadii Golaha Amaanka.

West Bank

Dhinaca kale waxaa weli sii socda duulaanka Israel ku heyso dhulka Daanta Galbeed ee ismaamulka Falastiin, halkaasi oo ay bishii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ku dileen 164 qof.

Weeraradii ugu danbeeyey ayey Israel ku qaaday magaalooyinka Jenin iyo Hebron.

Tiradda Falastiiniyiinta oo ay Israel ku xidhay Daanta Galbeed ayaa ka badan 2000 qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this