Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Turkiga Oo Hor-istaagay Mudaharaad Lagu Qaaday Saldhiga Millatariga Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska Turkiga ayaa Sunta dadka kaga ilmeysiisa u adeegsaday shacab badan oo ku mudaharaadayey saldhiga Mareykanka dalkaasi ku leeyahay.

Mudaharaadkan oo lagu taageerayey Falastiin ayaa lala beegsaday Saldhiga Mareykanka oo ku yaalla duleedka magaalada Incirlik ee koonfurta Turkiga.

Dadka mudaharaadayey oo banaanbaxooda ka bilaabay magaalada Incirlik ayey booliiska horjoogsadeen markii ay ku dhawaayeen saldhigan ciidanka Cirka.

Saldhigan ku yaalla koonfurta Turkiga ayaa waxaa inta badan adeegsada diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo UK, maadaama u dhaw yahay Bariga Dhexe.

Dalka Turkiga waa wadanka kaliya ee Muslimka ah ee xubinta ka ah isbaheysiga militariga reer Galbeedka ee NATO.

Shacabka Turkiga oo banaanbaxyo balaadhan dhigayey toddobaadyadan ayaa kasoo horjeeda in saldhigyada dalkooda ay adeegsadaan xulafada Israel.

Dhinaca kale kumanaan dad ah ayaa sidoo kale ku mudaharaaday banaanka safaarada Mareykanka ee ku taalla caasimada Ankara.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this