Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaas Oo Ridday Gantaalo Argagax Ku Abuuray Malaayiin Israa’iiliyiin Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ku hayso Marinka Qaza, ayaa militariga Israa’iil waxa ay sheegeen in hawada sare ee badhtamaha dhulka Israa’iil laga maqlay codka gantaallada laga soo ganay dhanka Qasa.

“Malaayiin Israa’iiliyiin ah ayaa ka ordaya sidii ay uga gamban lahaayeen bambooyinka,” ayaa lagu yidho qoraal la soo dhigay barta X, oo horey loo odhan jiray twitter isla markaana ay leeyihiin milatariga Israa’iil.

Millatariga Israa’iil ayaa dhawaan sheegay in 8,000 oo gantaal lagu soo riday Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this