Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada Oo kulamo la yeeshay Hay’ado ka Shaqeeya Waxbarashada

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20231106-WA0003.jpg
Nayroobi, (Qaran news)-Weftigii Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee ku sugnaa magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo shaqo la yeeshay maareeyayaasha waxbarashadda ee dalkaasi u qaabilsan deeqaha midowga Yurub.

Kulankan ayaa ahaa kii 2aad ee muddo saddex maalmood gudahood ah ay wada yeeshaan labada dhinac iyo Hay’adda Deeqaha Maraykanka u qaabilsan ee USAID.

Waxaanay intii kulammadaasi socdeen dhinacyadu isla qaateen horumarinta waxbarashadda Somaliland ee shanta sannadood ee soo socda (2024-2028)
Kuwaas oo ay ka mid yihiin

1. Dhismayaasha dugsiyada.

2. Taageerada kharashka waxbarashada ee ardayda danyarta ah.

3. Dheellitirka waxbarashada (Hablaha, baahiyaha gaarka ah, hibada, barakacayaasha, qaxootiga iyoreer miyiga)

4. Adeegsiga tablets ee waxbarashada baahiyaha gaarka ah.

5. Horumarinta farsamada gacanta iyo xirfadaha.

6. Xoojinta maamul daadejinta waxbarashada.

7. Diyaarinta iyo adeegsiga xogta si loo gaadho go’aammo xaqiiqo ku salaysan.

Ugu dambayn waxa ay dhinacyadani gorfeeyeen dedejinta iyo fulinta mashaariicdaasi kala duwan ee ay ka wada shaqaynayaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this