Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo Cambaareeyay Wiil Dhallinyaro ah oo lagu Xidhay Boorame

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo Cambaareeyay Wiil Dhallinyaro ah oo lagu Xidhay Boorame
IMG-20231106-WA0011.jpg

Boorame(Qaran news)- Xisbiga WADDANI, ayaa cambaareeyay xadhiga wiil dhallinyaro ah oo lagu xidhay Boorama, isaga oo ku baaqay in aan dhallinyarada aan la cabudhin.

Afhayeenka Xisbiga Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama, ayaa xukuumada uga digay in ay dhallinyarada cabudhiso.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu leenahay waar halaga daayo dhallinyarta cabudbinta, waar ha laga daayo dhallinyarta la xidhayo, cabudhinkasta waxay samaynaysa in umadu sii kacdo, umada ka daaya waxa aad rabtaan in aad marsiisaan, umada dhagaysta”

Waxa uu sheegay in shacabka reer Awdal ay la dareenyihiin xisbi ahaan, isla markaana ay doonayaan wixii reer Awdal ay Somaliland ku lahaayeen.

Wasiirada iyo saraaakiisha reer Awdal ee ku jira xukuumadda oo qaar kamid ahi Boorama hadda ku sugan yihiin, ayuu sheegay in ay dhallinyaradii kusoo noqdeen oo ay xidhxidhanayaan.

Waxa uu ugu danbayntii, Shacabka reer Awdal u sheegay in ka xisbi ahaan ay ogyihiin waxa ka maqan gobolka Awdal isla markaana, ay sixi doonaan saami qaybsiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this