Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government : Amison troops your home is Somalia Mogadishu

Recommended Posts

Dawladda Somaliland oo Jawaabo Kulul ka Bixisay Hadalo ka Soo Yeedhay Ciidammada AMISON iyo Dawladda Sheekh Shariif

 

 

 

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

Hargeysa (SDWO 31/10/09) Dawladda Somaliland, ayaa jawaabo kulkulul ka bixisay hadalo ka soo yeedhay Afhayeenka Ciidammada AMISON ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo Ra’iisalwasaaraha dawladda ku-meelgaadha ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, kuwaas oo ay kaga hadleen arrimo khuseeya Somaliland.

 

 

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibada Somaliland Md. Siciid Maxamed Nuur, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxa uu si wadajir ah ugaga hadlay laba hadal oo ka soo kala baxay Afhayeenka ciidammada nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho ee AMISON oo sheegay inay fasax u haystaan hawlgallada ay ka fuliyaan Somaliland iyo Ra’iisal-wasaaraha dawladda ku-meelgaadhka ah, oo isna magaalada London kaga dhawaaqay inuu jiro qorshe dawladdiisu dejisay oo ay wadahadal ugu diyaarisay Somaliland, labadaas war oo ku soo kala baxay wargeysyada Jamhuuriya iyo Geeska Afrika.

 

Warsaxaafadeed uu Md. Siciid Maxamed Nuur jawaabo kulul kaga bixinayo wararkaasi oo dhammaystirani waxa uu u qornaa sedan:

 

“Tix –raac maqaalka cadadkiisu yahay 4013 ee Wargeyska Jamhuuriya kuna soo baxay maalintii shalay Jimce 30/10/2009, kaasoo faafiyay in Afhayenka Ciidamada ‘Amisom” ee jooga Muqdisho uu ku dhawaaqay inay fasax u haystaan inay hawlgalo ka fuliyaan dhamaan dalkii la isku odhan jiray Somalia oo ay ku jirto Somaliland hadalkaasi oo uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Moqdisho.

Waxaanu u aragnaa in afhayeenkaasi in aanu wax xog ah ka haynin Somaliland iyo qadiyadeeda.

 

Waxaanu afhayeenka u sheegeynaa in ay Somaliland ahayn qayb ka tirsan Somalia ee ay tahay Jamhuuriyad madexbanaan oo gaarkeed xuriyadeeda u haysata wax colaad ah oo Somaliland gudaheeda ka taagan oo badbaado u baahan aanay jirin, cid amar ku bixin kartaa in Somaliland arrimaheeda ciidan ahaan la faragaliyo oo rukhsad looga qadayo aanay jirin.

Waxaanu leenahay ‘AMISOM’ xilka Moqdisho ayay fasax u haysataaye ha ku filaanto, waana ma dhacdo in Ciidamo aanay Somaliland codsan aanay iman karayn Somaliland.

 

Gabagabadii waxaan afhayeenka u sheegayna in uu ku filnaado sugida amaanka magaalada Moqdisho oo qudha.

 

Sidoo kale waxaan tix raacayna war kale oo isaguna ku soo baxay Wargeyska Geeska Afrika cadadkiisa 796, kuna taariikheysan 31/10/2009 oo sheegaya in Rayisal Wasaaraha dawlada Sh. Shariif uu kaga dhawaaqay xarunta Chatham House-ka ee magalada London in dawladdiisu qorshe wadahadal ah ay u diyaariyeen Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inuu dhici doono doorashooyinka Somaliland ka bacdi, qorshahaasna ay la og tahay Dawlada Ingriiska.

Rayisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in ay ammaan-daro ka jirto Somaliland sababna uga dhigay doorashooyinkii oo qabsoomi waayay.

 

Waxaanu Rayisal Wasaaraha u sheegayna in dhibaatooyinka ka taagan Somalia ee ay dawladiisu maareyn kariweyday aanay kula soo galgalanin Somaliland.

Somaliland waa Jamhuuriyad madaxbanaan hawlaheeda iyo midnimadeeda ku dhameysatay wada hadal iyo isku tanaasul, hore ayaanu idiinku sheegnay in ay Somaliland si cad la soo noqotay xuriyadeeda 1991 kii marnaba suuragal maaha in wax wadahadal ah ay dhex maraan labadeena dhinac.

Waxaynu idiinku ducaynaynaa in uu ilaahay idinku waafijiyo dantiina ilaahayna inagakiin siiyo samir iyo imaan.”

 

 

Shiine Cilmi

 

Source SDWO.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this