Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaafadaha magaalada Baydhaba oo kala go’ay kadib markii ay…

Recommended Posts

Deeq A.   
400143889_805161394983802_24622488875624

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa xalay ka da’ay roob mahiigan ah oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Roobka ka da’ay magaalada Baydhabo oo daadad xooggan dhaliyey ayaa waxa uu sababay in ay kala go’aan xaafadaha magaalada.

Daadad ka soo rogmaday isha Baydhabo ayaa gudaha u galay xaafadaha magaalada, waxaana dumay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen.

Sidoo kale barakac xoog leh ayaa maanta ka jira xaafadaha qaar ee magaalada Baydhabo, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.

Dhinaca kale, Waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ka go’day deegaan lagu magacaabo Jameeco oo u dhaw Buur-hakaba.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in halkaas ku go’doonsan yihiin gaadiidkii dadweynaha ee labada magaalo u kala safrayey.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, ayada oo ra’iisul wasaare ku-xigeenka uu sheegay in halis weyn ka jirto dalka.

Xaaladda deg-dega ah ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa ah mid loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.

Waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagay saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka, isaga oo sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof.

Dowladda ayaa wada abaabul iyo sidii wax loo gaadhsiin lahaa dadkaas tabaalaysan, iyada oo ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan dadka Soomaaliyeed ee dhibku gaaray.

The post Xaafadaha magaalada Baydhaba oo kala go’ay kadib markii ay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this