Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta kulan deg deg ah oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
399311607_694700319425784_68852860985667

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar kamid ah gobollada dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xaaladda dhabta ah ee ay sababeen roobabka, waxaana ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku dhintay daadadka iyo fataahadaha ka da’ay qaar kamid ah gobollada dalka, dadka gaaraya 25 ruux, iyada oo ay saameyn ku yeesheen 717, 825 kun oo qof.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, maadaama ay soo wajahan yihiin roobab iyo daadad cusub sida ay tilmaameyso saadaasha iyo digniinaha soo baxaya.

Mudane Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo xeelad walba oo gurmad loogu fidin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata .

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartay fataahadda iyo daadka ay sababeen roobabkii dayrta ee ka da’aya dalka.

Meelaha ugu daran ee ay saameeyeen daadadka iyo fataahada, ayaa waxaa kamid ah Gobollada kala ah; Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Si kastaba, kulankaan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah, islamarkaana sheegtay in xilligaan ay halis weyn ka jirto dalka.

399250213_694700146092468_29304665088679

399261142_694700216092461_78571324024697

399281215_694700229425793_47618684955652

399337092_694700176092465_26003367180834

399272933_694700299425786_26215174868002

399239425_694700182759131_51610205182696

399405248_694700222759127_90648809991091

399168033_694700252759124_36019881181263

399521076_694700152759134_30539398069149

399311607_694700319425784_68852860985667

399201572_694700202759129_58392190345184

399298979_694700266092456_35036077429790

399296158_694700289425787_51702361810942

The post Faah-faahinta kulan deg deg ah oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this