Sign in to follow this  
Deeq A.

KOOFI oo si weyn loogu weeraray hadal uu ka jeediyay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
336676374_229451756213735_65342925751114

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Korneel Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ka hadlay dhabar-jebinta la sheegay in lagu sameeyay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharraxday kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaasi oo looga adkaaday.

Koofi oo hadal ka jeediyay kulan ka dhacay Nairobi oo lagu soo dhaweynayey Xildhibaan Marwo ayaa garab istaag u muujiyay Marwo oo looga adkaaday kursigii ay u tartameysay, wuxuuna sheegay in qaranka uu dhabar jediyay, isaga oo yiri “Waxan nahay Qarankii ugu horeeyay ee qofkii u tartmayey ka codeeeyay.”

“Runtii wixii dhacay aniga dowladda kama tirsani, Xildhibaan ma ihi laakiin runtii waa la hoyan weynay xanuun ayay aheyd. Xildhibaan Marwo raali ha naga ahaato ragga haddaan nahay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Mudane Koofi.

Hadalka Koofi ayaa waxaa si weyn uga fal-celiyay dadka isticmaala baraha bulshada, ayaga oo qaarkood weerar afka ah ku qaadeen agaasimihii hore, halka kuwa kalena ay ku taageereen sida uga hadlay arrintaan

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Abuukar Muxiyadiin Cali: “Kaalay cadaalada horteeda sxbow cidna xildhibaan iyo shaqa codeyn kuuma dirasane.”

“Waxaan nahey qaran qofkaad shalay taqiin maanta isku badalaayo hadaan sidaan rabo helayn Allow wax dhowran maayee qoladii xunba xeyndaab kooda isku tuur,” ayuu yiri Maxamed Cumar Bisle.

Cabdirisaaq Xirsi ayaa isna waxa uu yiri “Mahadsanid master kofi qudbad qimo badan ayad jedisay”

Maxamed Abuukar Guutaale: “Maxkamadda gobolka Benaadir ayaa ku raadineyso ee maka gar baxday dhaha.”

“Hab-dhaqanka guud ee siyaasiyiinta Soomaalida weeyi,” ayuu yiri Dhaqane.

Xasan Xareed Diini: “Koofi waxyar dulqaado ina adeer.”

“Maxkamadda imaaw koofiyoow meeshaan haka yaabyaab lahayninee,” ayuu yiri Cabdinasir oo isna weear afka ku qaaday Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi: “Xanuuun kawayn miyaaa jira in wadDanka la musuq-maasuqo.”

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxay hore uu sheegtay in kursigii Marwo la dhaafshay ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaasi oo ka dhexeeya Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, ayna dowladda Tanzania ay ka heshiiyeen in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM.

The post KOOFI oo si weyn loogu weeraray hadal uu ka jeediyay Nairobi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this