Sign in to follow this  
Deeq A.

Marwo: Aniga oo Xasan wax ka doortay ayaa dhulka la igu jiidee maxaa moodaa dadka kale

Recommended Posts

Deeq A.   
Soomaaliya-oo-u-tartameysa-Madaxweynaha-

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo dhawaan isku soo taagtay kursiga madaxweynaha baarlamaanka adduunka, kaasi oo markii dambe looga adkaaday, ayaa markale ka hadashay sida ay wax u dhaceen.

Marwo oo hadal ka jeedisay kulan soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Nairobi, ayaa waxay ku sheegtay in madaxda sare ee dalka ula dhaqmeen si xun, islamarkaana ay qaranka dhaafiyeen kursi muhiim ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sheegtay in guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu kaga been farriimay warqadii uu tartanka uga reebay, “Waxaa ceeb ku ah in uu yiraahdo iyada ila ogeyd. Ilmo saddex jir haddii la yiraahdo warqad ayaa ka qoraya waa ku casilaya ma yeeleen, waaba anagoo intaas le’eg.”

Marwo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in iyada oo wax kasoo dooratay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidaas loo galay, balse ay hadda rabto inay noqoto qofkii u dambeeyay ee awood dowladeed lagu maquuniyo.

“Waxaa laygu yiri adoo xildhibaan ah oo wax ka doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kalsoonina siiyey guddoomiye Aadan Madoobe iyo xukuumadda ayaa sidaan dhulka lagugu jiidee maxaa moodaa dadka kale,” ayay tiri Marwo Cabdi Bashiir.

Waxay intaas kusii dartay “Waxaa rabaa in aan noqdo qofkii u dambeeyay ee Soomaaliyeed ee lagu ciyaaro ama awood loo sheegto. Taariikh madow ayaa ka galnay baarlamaanka adduunka.”

Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in kursigaas ay ku bedaleneyso kursiga aan joogtada aheyn ee QM, kaas oo ka dhexeeyo Soomaaliya, Tansania iyo Mauritius, ayna dowladda Tanzania ay ka heshiiyeen in Soomaaliya ay uga tanaasulaan kursiga QM.

Si kastaba, arrintaan ayaa hadal heyn xooggan dhalisay kadib markii ay Marwo guul-darro kala soo kulantay tartankii ay u gashay hoggaanka baarlamaanka adduunka, ayada oo qudheedu dhabar-jebinta lagu sameeyay ku eedeysay gudoonka baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya.

The post Marwo: Aniga oo Xasan wax ka doortay ayaa dhulka la igu jiidee maxaa moodaa dadka kale appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this