Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta ka shiraya xaaladda Marinka Qasa

Recommended Posts

Deeq A.   
AP23290031907885-e1697607126988-1440x900

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yihiin ka yeelanaya xaaladda ka sii daraysa ee Qasa.

Shirkan ayaa waxaa dalbaday Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha,sida lagu baahiyay barta Golaha Golaha Ammaanka ee SCR.

Israa’iil ayaa waydiisatay Maraykanka in ay helaan 24,000 oo qoryo ah, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Codsigan waxaa walaac ka muujiyay Congress-ka iyo saraakiisha waaxda arrimaha dibadda, maaddama ay aaminsan yihiin in Israa’iil laga yaabo inay hubkan u qaybiso dadka rayidka ah ee deggan Daanta Galbeed.

Tani waxay kordhinaysaa xiisadda haddii Israa’iiliyiinta rayidka ah u adeegsadaan hub si ay u weerarraan Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed.

PUNTLAND POST

The post Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta ka shiraya xaaladda Marinka Qasa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this