Deeq A. Posted November 6, 2023 Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur galbeed oo uu xalay ka da’ay roob mahiigaan ah oo daadad xooggan dhaliyey ayaa sababay in ay kala go’aan xaafadaha Magaalada. Daadad ka soo rogmaday isha Baydhabo ayaa gudaha u galay xaafadaha Magaalada waxaana dumay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen, barakac xoogleh ayaana saaka ka jira xaafadaha qaar. Roobabkan ayaa sidoo kale Sababay Barakac xooggan oo ka dhacay Degmada Xuddur ka dib markii Biyo Xooggan soo galeen Xafaddaha Degmada. Dhanka kalena Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ka go’day deegaan lagu magacaabo Jameeco oo u dhaw Buur-hakaba waxaana halkaas ku go’doonsan gaadiidkii dadweynaha ee labada magaalo u kala safrayey. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay daadad ku fatahay magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites