Sign in to follow this  
Deeq A.

Baraha bulshada oo been abuur lagu af lagaadaynaayo shicibka Somaliland lagu baahinaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa(Qaran news)- Waxa baraha bulshada ka socda ololeyaal qarsoodiya oo lagu kala dilayo ummadda reer Somaliland ee walaalaha ah. Taasi oo loo baahan yahay in laga taxadaro.

Tusaale ahaan toddobaadkii u dambeeyay waxa kooxahani ay ku foognaayeen inay baraha bulshada ka aragti dhiibtaan iyagoo samaysanaysa facbookyo been abuura, waxa ay iska dhigayeen reer Gabiley, Hargeysa iyo meelo kakeba dadka ku dhaqan waxana ay caayayaan reer Awdal oo ay ku tilmaamayaan la haysteyaal aan ka hoos bixi karin reer Sh. Isaxaaq. Taasi oo ah isku dhufasho iyo munaafaqad ku xun diinta iyo dhaqankaba.

Sidaas darteed, waxa loo baahan yahay in laga digtoonaado dhagarahaas ummadda lagu kala dilayo.

Reer Awdalna waa qalbiga iyo wadnaha Somaliland, haddii ay JSL ciddi sheeganaysana iyagaa ah saamileyda koowaad ee Somaliland, waxaba habboon in arrintaasi bulshadu ku baraarugsanaato.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this