Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxa siyaasada uqaabilsan Xamaas oo booqasho aan la shaacin ku jooga Iraan

Recommended Posts

Deeq A.   
Haniyah.webp?resize=624%2C416&ssl=1

Madaxa siyaasada uqaabilsan ururka reer Falastiin ee Xamaaz Ismaaciil Xaniyah ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagey magaalada Tehran ee caasimada dalka Iran isagoo la kulmay madaxda dalkaasi.

Sidoo kale, Ismaaciil Xaniyah ayaa magaalada Tehran gaaray shalay isagoo kulamo la qaatay madax sare oo kamid ah Iran oo uu kamid yahay hoggaamiyaha Iran Ayatullaahi Cali khameine.

Dhanka kale, masuuliyiintaan ayaa kawada hadlay xaaladaha kataagan Gaza iyo dagaalka iyo duqeymaha aan joogsiga laheyn ee udhexeeyo xooggaga Xamaaz iyo ciidamada gumeysi doonka ah ee Yuhuuda.

Ayatullah Khameine ayaa taagero iyo garab istaag buuxa umuujiyay ururka Xamaas isagoona bogaadiyay sida kooxda Xamaas iskaga difaaceyso duullaanka Israel.

Madaxa siyaasadda kooxda Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa maalmo kahor sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka, waxa uuna halkaasi kula kulmay madax katirsan dowladda Ruushka.

PUNTLAND POST

The post Madaxa siyaasada uqaabilsan Xamaas oo booqasho aan la shaacin ku jooga Iraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this