Deeq A. Posted November 5, 2023 Roobab mahiiggaan ah oo saacadihii u danbeeyay ka da’ay gobolka Mudug ayaa daadad ku soo rogay magaalada Gaalkacyo. Daadad xooggan ayaa sida wararku sheegayaan buuxiyay qaar kamid ah xaafadaha Gaalkacyo islamarkaana gudaha u galay gurya badan la degganaa. Qoysaska qaarkood ayaa ka bara-kacay guryahooda kadib markii biya ka buuxsameen halka qaar kalena weli ku go’doonsan yihiin. Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dad u badan waayeel iyo danyar aan awoodin in ay guryaha ka baxaan oo gurmad u baahan. PUNTLAND POST The post Daadad xooggan oo ku soo rogmaday magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites