Sign in to follow this  
Deeq A.

Daadad xooggan oo ku soo rogmaday magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231105_091951273.jpg?resize=713

Roobab mahiiggaan ah oo saacadihii u danbeeyay ka da’ay gobolka Mudug ayaa daadad ku soo rogay magaalada Gaalkacyo.

Daadad xooggan ayaa sida wararku sheegayaan buuxiyay qaar kamid ah xaafadaha Gaalkacyo islamarkaana gudaha u galay gurya badan la degganaa.

Qoysaska qaarkood ayaa ka bara-kacay guryahooda kadib markii biya ka buuxsameen halka qaar kalena weli ku go’doonsan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dad u badan waayeel iyo danyar aan awoodin in ay guryaha ka baxaan oo gurmad u baahan.

PUNTLAND POST

The post Daadad xooggan oo ku soo rogmaday magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this