Deeq A. Posted November 5, 2023 Magaalada Amman ayey kulan ku yeesheen Wasiirada arrimaha dibada ee qaar kamid ah dalalka Carabta iyo Mareykanka. Kulankan dhexmaray Antony Blinken xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka iyo dalalka Carabta ayaa lagaga hadlayey xaalada Falastiin. Blinken ayaa doonaya inuu taageero uga helo dalalka Carabta siyaasada Mareykanka ee ku saabsan dagaalka Gaza. Xaalada Gaza iyo maamulka Xamaas ee halkaasi ka taliya maaha mid sii jiri karta, waxaana loo baahan yahay wado cusub, ayuu yidhi Blinken. Mareykanka oo taageero millatari iyo dhaqaale ku daabulaya Israa’iil ayaa dhinaca kale waajahaya dalalka Carabta oo ku baaqaya Xabad-joojin. Mareykanka ayaa weli diidan inuu ku dhawaaqo xabad-joojin. Xukuumada Biden ayaa soo jeedisay “hakin gaaban dagaalka” si gargaarka loo geeyo Gaza, loona siidaayo maxaabiista. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Jordan, Ayman Safadi oo kadib shirkan warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Israa’iil ay geysaneyso danbiyo-dagaal. Wasiirka Arrimaha Dibada ee Masar, Sameh Shoukry ayaa sheegay in loo baahan yahay Xabad-joojin sharuud la’aan ah, intaan dagaalkan sii fidin. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada dalalka: Jordan, Masar, Lubnaan, Sacuudiga, Qatar iyo maamulka Falastiin. Dalalka Carabta ee xulafada la ah Mareykanka ayaa soo jeedinaya in xabad joojin la sameeyo, halka dhinaca kale ay qaarkood taageersan yihiin in meesha laga saaro maamulka Xamaas. Source Share this post Link to post Share on other sites