Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maxkamadeynta dad isugu jira Soomaali iyo Ajanabi kuna eedeysan qaraxyadii Lascanod

Recommended Posts

Magaalada Mandheera oo ku taala Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Hargaysa iyo Bar bar ee Somaliland ayaa waxaa maanta waxaa ka furmay Maxkamad lagu qaadayo ku dhawaad 10 qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen qaraxyadii sanadkii hore ka dhacay Magaalada Laascaanood.

 

Eedeysanayaan Maxkamada la soo taagay ayaa waxaa ay isugu jiraan 5 Soomaali ah oo reer Laascaanood ah, 2 Ethiopian ah, mid u dhashay Eritrea iyo mid kale oo u dhashay dalka Suudaan, waxaana loo heystaa in ay masuul ka ahaayeen qaraxyadii sanadkii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Laacsaanood ee Xarunta gobolka Sool.

 

Maxkamadeynta eedeysanayaashaani ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu furantay howl weyn oo kuyaala dugsiga tababarka Boliiska ee Magaalada Mandheera,waxaana maxkamada la soo galiyay Maxaabiista iyagoo sal salado ay luga iyo gacmaha kaga xiranyihiin wallow markii dambe laga furay.

 

Sagaalka nin ee maanta maxkamada la soo taagay ayaa waxaa ka mid ah C/fitaax Muuse Yuusuf oo ahaa taliyihii hore ee sirdoonka Somaliland ee gobolka Sool iyo C/rashiid Axmed Warsame oo ahaa nin ganacsade ah horeyna ugu mid ahaa Barlamanka Puntland.

 

Amaanka halka ay ka bilaabatay Maxkamadeynta ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana eedeysanayaashu ay maxkamada horteeda ka cadeeyeen in aan wax dhibaato ah loo geysan intii ay ku jireen xabsiga Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

 

Aadan Salaad Sheekh oo ah Xer ilaaliyaha gobolka Sool ayaa Maxkamada horteeda ka soo jeediyay in ragaani loo heysto in ay ku lug lahaayeen qarax 1-dii bishii November ee 2009-ka lala beegsaday baabuur uu saarnaa taliyihii qeybta 12 aad ee ciidanka Somaliland Cusmaan Yuusuf Nuur oo ku dhintay qaraxaasi iyo qaraxyo kale oo la fashiliyay.

 

Dhankooda qareenada u doodayay ragaani ayaa sheegay inay waxba kama jiraan tahay eedeymaha loo heysto ragaasi iyadoo xiligaasi wixii ka dambeeyana la horkeenay maxkamada marqaatiyaal laga dhageystay waxyaabihii ay arkeen,waxaana goobta xaadir ku ahaa dhamaan ehelada dadka maxkamada la soo taagay kuwaasi oo qarkood ka yimid Magaalada laascaanood ee gobolka Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eedeysanayaan Maxkamada la soo taagay ayaa waxaa ay isugu jiraan 5 Soomaali ah oo reer Laascaanood ah, 2 Ethiopian ah, mid u dhashay Eritrea iyo mid kale oo u dhashay dalka Suudaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Eedeysanayaan Maxkamada la soo taagay ayaa waxaa ay isugu jiraan 5 Soomaali ah oo reer Laascaanood ah, 2 Ethiopian ah, mid u dhashay Eritrea iyo mid kale oo u dhashay dalka Suudaan

JB waa arin layaab leh xogdheerada ma ka haysaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Jacaylbaro:

quote: Eedeysanayaan Maxkamada la soo taagay ayaa waxaa ay isugu jiraan 5 Soomaali ah oo reer Laascaanood ah, 2 Ethiopian ah, mid u dhashay Eritrea iyo mid kale oo u dhashay dalka Suudaan

Ma jnm baa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Insha Allah, dulmiga iyo afduubka shacabka Laascaanood waa joogsanasaa si dhakhsa ah, dadka iyo dalka SSC waa la xoreenayaa...amiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this