Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo ciidamo gaysay deegaan u dhow Dhuusamareeb + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
399310647_804067471759861_10383373604103

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta qaatay tallaabo deg-deg ah ayaa ciidamo dheeraad ah gaystay deegaanka Xananbuure oo hoos yimaada magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamadan oo ka shaqeyn doono ammaanka ayaa ka hortegaya xiisad beeleed dhawaan kasoo cusboonaatayu deegaankaasi, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale ciidamada ayaa kala qaaday maleeshiyaadka labada dhinac oo muddo dheer isku horfadhiyay halkaasi, kuwaas oo kasoo kala jeeda Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Saraakiisha horkaceysay ciidamadan ayaa sidoo kale soo saaray awaamir culus oo lagu adkeynayo amniga deegaankaasi, si looga hortego dagaal mar kale ka dhacay halkaasi.

Waxaa sidoo kale deegaanka laga mamnuucay in hub lagu dhex qaato marka laga reebo lamaha ammaanka, waxaana ujeedadu tahay xakameynta colaadda Xananbuure.

Mas’uuliyiin ka socota maamullada labada degmo ayaa sidoo kale ku sugan deegaanka, iyaga oo ka shaqeynaya in xal waara laga gaaro colaad beeleedka.

Deegaankan ayaa waxaa ragaadiyey codaaladda muddada dheer ka jirtay waxaana ka muuqda dib u dhac weyn iyo burbur, iyada oo dad tiro yar ay ku sugan yihiin deegaanka.

Si kastaba, colaadan ayaa sidoo kale sababtay dilka ganacsatadii maalmo kahor lagu toogtay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Sheekh Xasan DiirShe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo laduba dilkooda caro ka abuuray Galmudug.

398173975_804067401759868_67827276316149 398179979_804067491759859_63086252309655 399310647_804067471759861_10383373604103 Biyo.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 Deegaan.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

The post Sawirro: DF oo ciidamo gaysay deegaan u dhow Dhuusamareeb + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this