Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Degaanka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1699097627822.jpg?resize=720%2C46

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo uu weliyey Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 53-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa dhegeysiga warbixinta Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiciiga ah ee Golaha Wakiillada DPL oo akhrinta labaad ku soo sameeyey wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada Puntland, si waafaqan Dastuurka Dawladad Puntlad Qodobkiisa 64-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.  Intaas kadib waxaa qodob qodob loo asnixiyey Wax-ka-bedelke Xeerka  si waafaqsan Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Ugu dambeyntii,  dood iyo fanqeyn dheer  kadib xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan-taag ah  ku ansixiyey wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Saameynta Deegaanka iyo Bulshada Puntland kasoo  muhiim gaar ah u leh ilaalinta Deegaanka.  Guntanka Fadhiga oo ahaa (38) Mudane, waxaa ugu codeeyey aggol (37) Mudane, diidmo majirin halka uu ka aamusey (1) Mudane.

The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta Degaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this