Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee Socdaalka Antony Blinken uu ku tegay Israa’iil iyo dalka Urdun

Recommended Posts

Deeq A.   
e0cd80cf-36bf-4d7d-9352-69d381a6477c_w40

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israa’iil kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza.

Magaalada Cammaan waxa uu Blinken kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Urdun, oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin.

Waxa ay ka shirayeen si ay u dejiyaan qorshayaal lagu soo afjarayo dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza iyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu si buuxda u taageeray xaqqa iyo waajibka Israa’iil ka saaran in ay is difaacdo, laakiin waxa uu sidoo kale ugu baaqay Israel in ay hakiso hawlgallada milatari oo ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah in la geeyo Gaza.

Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah ayaa hoy la’aan ku noqday duqeymaha diyaaradaha Israel ee Gaza. Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay Jimcihii in tirada dadka ku dhintay deegaankaasi ay kor u dhaaftay 9,250, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee Socdaalka Antony Blinken uu ku tegay Israa’iil iyo dalka Urdun appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this