Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo jabkii ciidanka qaranka soo gaadhay Laascaanood ku micnaysay wixii Israa’iil Qasa kaga dhacay oo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in lacag gaadhaysa 2 milyan oo dollar ay kaga bixi jirtay dagaal kasta oo dhaca, intii ciidanku Goojacadde joogay.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire oo hortagay guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in lacag badani ay Somaliland kaga baxday dagaalkii Laascaanood.

“Intii Goojacadde la joogay dagaal walba waxa ku bixi jiray wax lacag 2 milyan gaadhaya, waxan doonayay in aan idinku baraarujiyo uun khasaaraha iyo kharashka uu leeyahay marka dagaal la galo, waana sax weeyi” ayuu yidhi Wasiir Shirre.

Wasiirka oo wax laga waydiiya wixii ku dhacay ciidanka Somaliland ee sababay in ay ka baxaan Goojacadde, ayaa sheegay in ilaa hadda aan la micnayn karin sida ay wax u dhaceen.

“Sida ay wax u dhaceen wax la micnayn karaba maaha, waa tii ka dhacday Qasa oo kale, yaa islaha Xamaas ayaa galaysa Israa’iil oo kun ka dilaysa” ayuu Shirre u sheegay xubnaha guddida dhaqaalaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this