Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Disarmement to start tommorrow inshallaah and will end on the 4th inshallaah!

Recommended Posts

Hubka tirada badan ee gacanta ugu jira dadweynaha reer magaalada Muqdisho oo mudo sedex maalmood loo qabtay inay kusoo wareejiyaan!!

 

 

Sanad Wanaagsan dhamaan dadweynaha waxaan idiin leeyahay kuli caam wa antum bilqeyr, sanadkaan sanadkiisa Allah hanagu gaarsiiyo bash bash iyo Baraare Inshaa Allah.

 

Shir jaraa'id uu qabtay Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa waxa uu amar ku bixiyey in dhamaan hubka noocyadiisa kala gadisay lakala geeyo laba goobood uu cayimay oo kala Dekadii hore ee magaalada Muqdisho iyo Villa Baydhabo oo labadaba ku kala yaala Waqooyiga Muqdisho iyo Koonfurta Muqdisho.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku nuuxnuusaday in laga bilaabo 7:00 Aroornimo 02-01-2007 ilaa 04-01-2007-da in hubkaasi la geeyo goobaha loo cayimay cidii ku geyn weyda sedexdaasi maalina laga qaadi doono talaabada ku haboon, wuxuuna sheegay Ra'iisul wasaaruhu in labadaasi barood ay kusugan yihiin Saraakiil Soomaaliyeed iyo kuw Ethiopian ah oo diiwaan galinaya hubkaasi.

 

Siyaasada dowladdu waa mid ku qotonta in hub ka dhigis la sameeyo waxaana ka jawaabaynaa codsiga Dadweynaha qeybahiisa kala gadisan Siyaasiinta, Waxgaradka, dhalinyarada iyo Haweenka oo ay ku codsanayeen in xoog loo isticmaalo hub ka dhigis lagu sameeyo dalka Somalia iyadoo ay ugu horeyso magaalada Muqdisho ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geedi.

 

Dowladdu waxay diirada saaraysaa kuwa u diiwaan gashan Qaramada Midoobay ee ka tirsan Argagixisada Caalamka sidii ay kusoo qaban lahayd balse waxa uu Ra'iisul Wasaaruhu qiray oo saamaxaad u fidiyey kuwo uu ku tilmaamay in la marin habaabiyey ee Soomaalida ah wuxuuna saraakiisha Kismaayo kusugan ku wargaliyey in aan waxba la yeelin isla markaana ay hubka ka qaadaan si nabad ah naftoodana nabad galiyaan.

 

Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in lacag cusub ay dowlada soo saartay shacabkana laga doonayo in ay isticmaalaan wuxuuna ku nuuxnuuxsaaday in ay jiraan lacago been abuur ah oo Muqdisho yaala wuxuuna ka digay inaysan ku dhaqaaqin kuwo doonayo inay shacabka marin habaabiyaan.

 

Dhanka kale Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu beesha Caalamka ka codsaday in ay gargaar u fidiyaan dadweynaha ku dhibaataysan meelaha ay fatahaadaha ka dhaceen kuwaasoo dhibaato cudur iyo gaajoba ay haysato, inkastoo uusan sheegin ra'iisul wasaaruhu dhibaatada baaxada ay leedahay.

 

Press conference by PM Gheedi!

 

Muqdisho_shirjaraaid_gedi.JPG

 

Muqdisho_shirjaraaid_gedi1.JPG

 

Muqdisho_shirjaraaid_gedi2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this