Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshaha cajiibka ah iyo shirqoolka Xamas ay Israa’iil ugu diyaarisay dagaalka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Xamas ayaa isku diyaarisay dagaal dheer oo aan dhammaad laheyn oo ka dhaca Marinka Gaza, waxayna rumeysan tahay inay muddo fog iska caabin karto ciidamada duulaanka ah ee Yahuudda, si ay Israa’iil ugu qasabto xabad-joojin, waxaa sidaas sheegay laba il-wareed oo ka tirsan hoggaanka kooxda.

Xamas, oo maamusha Gaza, ayaa keydsatay hub, gantaallo, cunto iyo sahay caafimaad oo hayn kara muddo fog, sida ay sheegeen il-wareedyo la hadlay Reuters oo codsaday inaan la magacaabin.

Kooxda ayaa ku kalsoon in dagaal-yahannadeeda kumannaanka ah ay bilo ku badbaadi karaan magaalada iyo godadka ay ka qoteen, si ay u ciidamada Yahuudda ula galaan dagaal wata xeelad jabhadeyn ah, sida ay sheegeen il-wareedyada.

Xamas ayaa rumeysan in ugu dambeyn cadaadiska beesha caalamka ee ka dhanka ah Israa’iil si ay usoo geba-gebeyso duullaankeeda sababa la xidhiidha khasaaraha shacabka ee sii kordhaya ay ku qasbi doonto inay galaan wada-xajood xabad-joojin.

Xamas ayaa dooneysa inay Israa’iil ay ku qasabto inay sii dayso kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, ayada oo dhaafsaneysa 239 Israa’iiliyiin ah oo ay ku qabsatay weerarkii 7-dii October.

Kooxda ayaa u caddeysay Mareykanka iyo Israa’iil, oo ay yeesheen wada-hadallo aan rasmi aheyn oo ay dhex-dhexaadineyso Qatar, inay dooneyso in lasii daayo maxaabiista si ay iyana usii dayso Yahuudda ay afduubatay.

Qorshaha muddada fog, Xamas ayaa sheegtay inay dooneyso inay soo afjarto xannibaadda 17 sano jirsatay ee Israa’iil ay ku hayso Gaza, islamarkaana la hakiyo deegameynta ay Israel isugu fidineyso dhulka Falastiin.

Waxay sidoo kale dooneysa in Israel ay ku qasabto inay ciidamadeeda joojiyaan awood sheegashada ay ka wadaan Masaajidka Al-Aqsa.

Khamiistii, khubarada QM ayaa ku baaqay xabbad-joojin ka dhacda Gaza, ayaga oo sheegay in Falastiiniyiinta ay “halis xooggan ugu jiraan xasuuq.”

Israa’iil ayaa tan iyo weerarkii 7-dii October, oo lagu dilay 1,400 oo Israa’iiliyiin, waxay Gaza u adeegsatay duqeymo aan kala joogsi laheyn oo ay ku dhinteen 9,000 oo shacab ah, hase yeeshee weli wax la taaban karo kama soo hoyin duullaanka Gaza.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this