Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Galmudug oo la wareegtay ciidamo lagu dhisay MUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   
399103226_803817985118143_18742727186159

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo horleh oo loo diyaariyay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab ayaa maanta lagu soo bandhigay deegaanka Xinlabi oo hoostaga gobolka Mudug, halkaas oo uu weli ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo ah kuwa deegaanka lagu aas aasay, kana mid noqonaya macaswiileyda Mudug ayaa lagu wareejiyay dowlad goboleedka Glamudug, kadib munaasabad ka dhacday deegaanka Xinlabi ee gobolkaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye (Guureye) ayaa la wareegay ciidamadan, waxaana ku wareejiyay maamulka iyo shacabka Xinlabi.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in diyaarinta ciidamadan ay kusoo aadeen xilli loo baahnaa, ayna ka qayn qaadan doonaan howlgallada xoreynta Mudug.

Sidoo kale mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa goobta ayaa ciidamada kula dardaarmay xoreynta deegaanada weli ku maqan gacanta Shabaab, isla-markaana aysan u dul-qaadan doonin dhibaatada ay kooxdu ku hayso dadka shacabka ah.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa haatan ka soconaya howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda, kuwaas oo dhul ballaaran ka saaray xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan gobollada dhexe ee dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka soconaya dagaallo toos ah oo ujeedkoodu yahay in dalka lagaga sifeeyo xubnaha Al-Shabaab, wuxuuna haatan dagaalku galayaa wejigiisa labaad.

398124391_803817921784816_48595412212108 398156891_803817981784810_24855449255531 398171371_803817775118164_35329309795530 398179594_803817911784817_60935256703904 399103226_803817985118143_18742727186159

The post Sawirro: Galmudug oo la wareegtay ciidamo lagu dhisay MUDUG appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this