Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbaahinta Xamaas taageerta oo soo qaadatay hadalkii raysal wasaare Xamsa

Recommended Posts

Deeq A.   

9494276b-b930-4bf8-b5de-3904e0fb7bbe.jpg

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo qaatay hadalkii uu shalay jeediyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa.

Quds News Network, ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka raysal wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa ‘Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda’.

Raysal wasaare Xamsa ayaa hadalkan shalay ka jeediyay munaasabad ka dhacaysay xarunta tiyaatarka qaranka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay caalamka oo uu sheegay inay iska indha tirayaan dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Qasa.

Bbc Somali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this