Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   
qarax.jpg?fit=720%2C540&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taallada Sayid amaa Baar-bulsho ee degmada Howlwadaag.

Qaraxa waxaa geystay nin naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda, wuxuuna dhintay kaligiis, sida ay xaqiijiyeen sarakiisha amniga.

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka is qarxiyey ay dabajoogeen, isla markaana uu kaligiis qarxay markii uu ogaaday in ciidanka uusan ka baxsaneyn.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dharcad ah ayaa markii hore ka shakiyey ninkaan oo soo istaagay banaanka maqaayad ku taalla aagga Sayidka, waxayna dabagaleen ilaa uu ka qarxay kaligiis.

Hal askari oo boolis ah ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa, kaas oo ka mid ahaa askartii bursaneysay ninka naftiisa haligaha ah.

“Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob dadweyne oo ku taala degmada Howlwadaag.Saraakiisha Hay’adaha ammaanka ayaa SNTV u sheegay inuu dhaawac fudud soo gaaray kaliya hal askari oo ka mid ahaa askartii fahmay in dhagar qabahaan uu ku xiran yahay qarax,” ayuu lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka ammaanka oo si wayn uga foojigan dhagarta Khawaarijta nafla caariga ah ayaa fahmay Dhagar qabaha lagu soo xiray Qarxa, waxaana suurta gashay inuu kaligiis Qarxo iyadoo ay ceyrsanayaan ciidanka ammaanku.”

Sawirro la baahiyey ayaa muujinaya meydka qeybo ka mid ah jirka ninkii is qarxiyey, gaar ahaan madaxiisa iyo lugihiisa, waxaana la xaqiijiyey inuu geeriyooday kaligiis.

The post Faah-faahin: Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay iyo khasaaraha ka dhashay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this