Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Danab iyo Booliska HirShabeelle oo ku dagaalamay Jowhar iyo khasaare ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   
dagaal.jpeg?fit=1200%2C702&ssl=1

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamo ka kala tirsan Danab iyo Booliska HirShabeelle ayaa galabta salaadii Maqrib ka hor ku dagaalamay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle.

Dagaalkaan ayaa bilowday kadib markii ciidamada booliska HirShabeelle ay weerar ku qaadeen askar ka tirsan ciidamada Danab oo degan banaanka magaalada Jowhar.

Booliska HirShabeelle ayaa la sheegay inay dileen hal askari oo Danab ah iyo qof shacab ah.

Sidoo kale waxay dhaawaceen askari kale, warar soo baxayana waxay sheegayaan in askar kale ay nolosha ku wateen ciidamo ka tirsan booliska HirShabeelle.

Dagaalka ayaa ka bilowday kadib markii ciidamada Danab ay rasaas ka dhex rideen magaalada Jowhar, sidoo kale booliska ayaa dhowr mar ka dalbaday Danab inay joojiyaan xabadaha ay ka dhex ridayaan magaalada.

Ciidamada Danab oo degan banaanka magaalada ayaa la sheegay inay dhowr mar magaalada ka dhex rideen xabado, taas oo boolisku ka carooday.

Ma jirto cid ilaa hadda faahfaahin ka bixsay isku dhaca ciidan ee laga soo weriyey magaalada Jowhar ee caasimada HirShabeelle.

Jowhar ayaa ka mid ah magaalooyinka ay saldhigga ku leeyihiin ciidamada Danab, booliska HorShabeelle oo la sheegay inay galabta weerareen ciidamada Danab ayaan weli ka hadlin arrintaan.

The post Xog: Danab iyo Booliska HirShabeelle oo ku dagaalamay Jowhar iyo khasaare ka dhashay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this