Sign in to follow this  
BiLaaL

Xukuumadda Asmara oo si kulul u eedeeysay dowladda KMG ah

Recommended Posts

BiLaaL   

Mogadishu 19, August 07 ( Sh.M.Network) Dowlada Eritrea ayaa ku eedeysay dowlada KMG ee Soomaliya iyo dowlada Ethiopia in ay sida ay doonaan ugu takri-falaan dhaqaalaha Somalia, iyagoo lunsaday malaayiin doolar oo ay lahaayeen dadka Soomaaliyeed.

 

Wasiirka warfaafinta ee Eritrea Cali Cabdoow Axmed ayaa hadalkan ku sheegay qeyb ka mida wareysi uu shalay siiyey idaacada Shabelle, isagoo si kulul u weeraray xukuumadaha Somalia iyo Ethiopia oo wada buu yiri tacadiyo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

 

Isagoo ka hadlaya lacagta la lunsaday iyo cida qeybsatay ee uu ku eedenayo ayaa Mr. Cabdow waxa uu yiri……

 

Waad ogaan kartaan, waadna isku dayi kartaan inaad baaritaan ku sameysaan….waxaad ogaan doontaan in malaayiin doolar ay qeybsadeen Cali Geeddi iyo Alya Kola oo ah xaaska ra’iisal wasaaraha Ethiopia…tanina ma aha arrin sahlan ,”

 

Sidoo kale wasiirka warfaafinta ee Eritrea waxa uu ku eedeeyey dowlada KMG ee Somalia inay caburin ku hayso warbaahinta madaxbanaan, isagoo tusaale u soo qaatay talaabadii ay qaaday dowlada ee ka dhanka aheyd Shabakada Warbaahinta Shabelle…

 

“waad la socotaan xitaa waxa ku dhacay Raadyaha Shabelle…mana aha arrintan mid ka timid dowlada federaalka ee waxa u amarkaasi ka fulay ciidamada Ethiopia … markii ay imaanayeen raadiyaha iyo ay maalin kasta xirayaan….waxaan kuu sheegayaa inaysan jirin dowlad Soomaaliyeed, iyaga ayaa dowlad isku ah ,”

 

Hase ahaatee Eritrea ayaa la sheegayaa inaysan iyadaba sumcad wanaagsan ku laheyn marka la eego taariikhda madaxbanaanida warbaahinta dalkeeda.

 

Hadalka wasiirka warfaafinta ee Eritrea ayaa yimid ka dib markii Mareykanka uu sheegay inuu wado qorshe uu doonayo in Eritrea oo ah wadan saboolka uu ugu daro liiska wadamada taageera argagixisada, eedeyntaasi oo xukuumada Eritrea ay beenisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this