Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex xujo oo hortaalla dadka reer Muqdisho kadib markii…

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho-3.jpg?fit=1283%2C713&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii dambe laamaha amniga ee dowladda ayaa xiray, qaarna su’aallo weydiiyay dad la tuhmay.

Dadka qaar ma shaqeeyaan, ehel uma degana magaalada Muqdisho, waxay joogto u tegaan xarumaha dowladda, waxay degan yihiin guryo qaali ah, waxay wataan gaadiid qaali ah, waxaana fadhi u ah hoteellada ugu qaalisan caasimada.

Waxaa kale oo jira qaar huteello degan waqti fog, oo aan haysan shaqo dowladeed, mid hay’adeed iyo ganacsi toona. Haddaa isweydiineyso yaa ka bixiya kharashka huteellada? Yaa u iibiya gaadiidka iyo yey ku tiirsan yihiin? Malaha waa jawaab aanay hadda kahor raadin ciddii laga rabay inay raadiso.

Dadkaan Garanwaaga ah waxay si joogta u raadiyaan xiriirada madaxda dowladda, gaar ahaan kuwo laamaha amniga, mana bixiyaan fursad iyaga wax badan looga barto.

Haddaba, waa maxay xalka imtixaanka ah ee horyaalla dadka Muqdisho degan?

Marar badan waxaa warbixinadeena ku maqasheen shacabka Muqdisho waxay ku qabsan yihiin inay la shaqeeyaan laamaha amniga ee dowladda, si ay badqabkooda u xaqiijiyaan.

Waxay u muuqata inuu baraarugii hadda curtay, waase in la hubiyaa saddexdaan arrimood;

1. In aan qofna lagu dulmin baraaruga shacab ee ka curtay caasimada

Macquul ma ahan in gobol ama beel gaar ah lagu riixo inay Muqdisho uga shaqeeyaan argagixisada.

Reerka ugu badan ee argagixisada gumaado ayaa dhinaca kale noqon kara kuwa ugu badan ee argagixisada uga shaqeeya Muqdisho ee loo diro inay dadkooda gacmahooda ku laayan.

2. Laamaha amniga

Argagixisada dadka ayay ku dhex nooshahay, laamaha amniguna waa inay shacabka ku dhex milmaan, si gunta hoose ee argagixisada loo tago.

Waana in aysan hay’adaha amniga ee dowladda dayicin mowqifka dadka caasimada ka muuqda ee ah inay argagixisada dhex jiifta isa soo dhaafiyaan.

3. Muqdisho-da go’aansatay inay is barato

Waa baraarug weyn inay caasimadu dib isku aqoonsato, tan macnaheedu maahan inay dhismayaashu isbaranayaan ama dadka magaalada oo dhan ay iswada baran karaan, ee waa in deriska, saaxiibada iyo xirfad wadaagu ay dib isku bartaan su’aallo isweydiiyaan, is tuhmaan, ugu dambeyna is aqoonsadaan ama kala khaanad galaan.

Haddii aadan ogaan waxa uu walaaqayo saaxiibka ama deriskaagu, waxaad ogaan doonta mar uu inta kale laayay, ama ma ogaan doontid oo adiga ayuu aakhiro ku diri doona.

Baraaruga caasimada ka billowday wuxuu durba taageero ka helay inta xal doonka ah, u naxeysa bulshada reer Muqdisho ee rabta in argagixisada laga adkaado.

Waxaana dhamaan dadka la gudboon inay door daacadnimo ah ka qaatan howshaan, si loo helo caasimad nabdoon, nidaamsan, nolol fiican ka jirto oo caasimadaha dunida la heer ah.

The post Saddex xujo oo hortaalla dadka reer Muqdisho kadib markii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this