Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Jeesow oo ka hadlay gaabiska ku yimid dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha siyaasiyiinta mucaaradka ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Jeesow.jpg?fit=997%2C728&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab, isagoo qiray in dagaalka uu gaabis ku yimid wixii ka dambeeyey weerarkii markii uu dhacay weerarkii ay kooxdu ku qaaday saldhigii ciidamada xoogga ee deegaanka Cawsweyne.

Xildhibaan Daahir Jeesow  ayaa sheegay in mar kasta uu niyadda ku qaboojiyo in Xasan Sheekh uu Shabaab ka adkaa doono, markii uu qiimeeyey sida ay uga go’antahay ciribtirka kooxdaas.

Xildhibaanka oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa la weydiiyey inay jiraan siyaasiyiin diidan dagaalka kooxda oo Madaxweynaha iyo dowladaan uu hoggaamiyo guul darro oa jecel.

Jeesow ayaa meesha ka saaray jiritaanka tuhunkaas, wuxuu sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo dhammaan shacabka ay ka mideysan yihiin rabitaanka in laga guuleysto kooxdaas.

“Sida aad ogtihiin siyaasiyiinta dhamaan waxay rabaan inay dalkaan hoggaamiyaan, dal Shabaab heystana lama hoggaami karo, madaxweyne Xasan oo horay dalkaan u soo hoggamiyey wuxuu ogaaday inta Shabaab joogo in Soomaaliya aan la xukumi karin,” ayuu yiri.

Xildhibaan Jeesow ayaa intaas ku sii daray, “Farmaajo Dagaalka hala joojiyo ma uusan dhihin waan ku aqaan ceeb ma ahan, Xasan Sheekh ciidan u dagaalamaya waxaa la dhisay xiligii Kheyre iyo Farmaajo joogeen, dowladaas iyadoo dulaan ku qaadi rabta Shabaab ayuu waqtigii ka dhamaaday.”

Sidoo kale wuxuu ka hadlay nidaamka hoggaamineed ee madaxweynaha, wax ka bedelka dastuurka iyo nooca doorasho ee Soomaaliya ay u baahan tahay.

“Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Xasan Kheyre waa ay ogol yihiin doorasho qof iyo cod ah, waxa Xasan Sheekh uu ka shqeynayana waa qabashada doorasho qof iyo cod ah, ragaan dalka ayey soo hoggaamiyeen inay war soo saaraan ee dhahaan saas wax haloo dhigo ceeb ma ahan,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesoow.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Jeesow oo ka hadlay gaabiska ku yimid dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha siyaasiyiinta mucaaradka ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this