Sign in to follow this  
Deeq A.

Webiga Jubba oo fatahaad xooggan ka sameeyay Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1698997089927.jpg?resize=680%2C33

Webiga Jubba ayaa fatahaado xoogleh waxa uu weli ka sameeynayaa degaano  iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, halkaas oo uu saameeyay Boqolaal Qoys oo ku nool meelo badan oo kamid ah Gobolkaas.

Saacadihii la soo dhaafay waxa auu wabiga fatahad ka sameeyay degmooyinka Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana uu baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo ku yaallay Beeraha.

Boqolaal Qoys oo kamid ah dadka kunool degmooyinka Luuq iyo Baardheere ee gobolka Gedo ayaa fatahaada ka barakacay, kuwaas oo hadda xaalado daran ay ku heystaan degaano hoostaga degmooyinkaas.

Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolka Gedo oo booqday Goobaha uu wabiga ka fatahaday ayaa sheegay in dadka ay saameeyeen fatahaadaha ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah in lala soo gaaro, iyaga oo baaq u diray dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Webiga Jubba oo fatahaad xooggan ka sameeyay Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this