Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Xukuumadda Puntland ee Kaah oo ka horyimid Go’aankii Isimada ee Arrimaha Doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   
1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of

Xisbi siyaasadeedka xukuumadda Puntland ee Kaah ayaa ka horyimid go’aankii qaar kamid ah isimada Puntland ka soo saareen arrimaha doorashada 2024.

“Xisbiga KAAH wuxu arkaa go’aankii ay xalay soo saareen qayb ka mid ah Isimada Puntland inuu ahaa go’aamo aan u adeegayn hannaanka dimuqraadiyadeed ee ahaa Himilada shacabka reer Puntland ay ku taamayeen rubuc qarnigii Puntland dhisnayd. Sidoo kalena ka soo horjeeda Dastuurka iyo Shuruucda dalka”.

“Shacabka reer Puntland  waxay ogyihiin qiimaha codkooda kadib markii ay  doorteen  metelaadooda Goleyaasha degaanka ee 33 degmo, Iminkana ay diyaar u yihiin iney codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, si ay u helaan madax ku timid ribitaankooda” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Kaah.

“Xisbiga KAAH wuxu ku adag yahay hirgelinta himilada shacabka ee ah doorasho qof iyo cod ah. Xisbiga Kaah wuxu shacabka Puntland ugu baaqayaa iney adkeeyaan amnigooda iyo midnimadooda, ayna difaacdaan  Mustaqbalkooda doorashada qof iyo cod” ayuu sii raaciyay.

FB_IMG_1698996726111.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Xisbiga Xukuumadda Puntland ee Kaah oo ka horyimid Go’aankii Isimada ee Arrimaha Doorashada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this