Deeq A. Posted November 3, 2023 Hargeysa(Qaran news)- Somaliland waxa xalkeeda iyo wadajirkeedu ku jiraa inay ku taagnaato tubta doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo loo muddeeyay inay qabsoonto bisha November 2024ka. Si doorashooyinkaasi inoigu hirgalaan waa in aynu xeerkii is waafajinta diirashooyinka ee Wakiilladu ansixiyeen ay Guurtidduna duuduub ku meel mariso, si madaxweynuhuna wakhti ugu helo uu xilli horeba ku saxeexi karo. Waxa kaloo daruuri ah in khilaafka ka taagan komishanka ee ay shan xubnood ku dacweeyeen xubintii xisbiga WADDANI soo xulay la dhammeeyo oo xal iyo is afgarad madaxweynuhu ka odayeeyo lagu dhammeeyo. Haddii kale oo khilaafkaasi sidaas lagu sii daawado wuxuu horseedi karaa qarax kale iyo khilaafaad aan loo baahnayn oo aynu cagaha la galo. Waxaanay arrintaasi dhabaha u xaadhi kartaa dib u dhac kale oo ku yimaada wakhtigii loo cayimay doorashooyinka, iyadoo imikaba halista qabyooyinka arrimaga doorashooyinka uu ka digay toddobaadkan Guddoomiyaha Dallada ururrada bulshada rayidka ah oo sheegay in wadajir looga faa’iidaysto wakhtiga is guraya ee doirashooyinka. Waxa kaloo Xukuumadda looga fadhiyaa inay xilli horeba badka keento dhaqaalihii loogu talogalay doorashooyinkaas isa saarka ah oo cukayskooda leh. Sidaas darteed, waxa guddidii ergada ahayd u taalla inay kor joogteeyaan sida hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku u socdaan, masdaama dedaalkoodii qaranku kaga badbaaday inuu haadaan ku dhaco, waxa u wanaagsan inay isha ku hayaan sida hawluhu u socdaan. Ugu dambayn waxaan leeyahay aan wadajir ugu istaagno sidii loo sii wadi lahaa geddi socodka doirashooyinka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites