Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in dadka reer Laascaanood aanay aqoonsaneyn maamul

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay sheegtay in dadka reer Laascaanood aanay u aqoonsaneyn maamul, xilli dhawaan ay dowladda Soomaaliya shaacisay inay aqoonsatay maamulka Ku-meel-gaadh ah, taas oo layaab ku noqotay shacabka Somaliland iyo bulshada kale ee caalamka

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Catriona Laing oo wareysi siisay Mustaqbal Media oo fadhigeedu yahay Muqdisho Somalilandtoday-na soo xigatay ayaa sheegtay in dadka reer Laascaanood ayna u aqoonsaneyn maamul gaar ah.

Waxay ka dhawaajisay in aqoonsiga dadka reer Laascaanood uu yaallo dowladda Soomaaliya, islamarkaana tallaabadii ay dhawaan qaaday ayna ka dhigneyn in rasmi ahaan loo aqoonsaday maamul.

“Dabcan Qaramada Midoobay si toos ah uma aqoonsana maamul, waxa uu go’aankaasi u yaalla dowladda federaalka Soomaaliya, aniga sidaa u fahmay ayaa ah in aan loo aqoonsan maamul gaar ah,” ayey tidhi Catriona Laing oo ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Catriona ayaa dhinaca kale waxa ay ugu baaqday dadka reer Laascaanood iyo xukuumadda Somaliland in ay ka baaqsadaan dagaal kale oo dhaliya khasaare horleh, islamarkaana ay galaan wada-hadallo xal nabadeed lagu gaadho, sida ay hadalka u dhigtay.

q-1536x864-1-1024x576.jpg

“Midda labaad ayaa ah in labada dhinac ay isla galin dagaalo kale, ugu dambeyna labada dhinac in ay isla galaan wada-hadalo dhanka nabada ah, taasi oo soo keeneysa.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqday shacabkii ka barakacay dagaalka Laascaanood in ay dib ugu laabtaan magaalada, si bey tidhi ay markale ugu soo dhisaan noloshooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this