Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee abaabulka DAGAAL ee ka socda K/Galbeed + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
Laftagareen.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Qansaxdheere (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa shalay galab gaaray magaalada Qansaxdheere ee gobolka Bay, halkaas oo abaabul dagaal uu ka socdo.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha ku wehgliyey safarka ay ku tageen magaalada Qansaxdheere.

Madaxweynaha ayaa fagaaraha magaaladaas kula hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in halkaas uu u tegay abaabulka wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

“Ujeedka safarkeena wuxuu ahaa dagaalka Khawaarijta, waxaa tihiin shacab adkeysi badan, waa ku soo samirteen dhibaatooyinkii idinka soo gaaray cadowga, ciidamada amnigiina gacanta ku haya ee cadowga idinka hor taagan waan abaalmari doonaa,” ayuu yiri Laftagareen.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa dadka reer Qansaxdheere faray inay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo halkaas ay u tageen, kaas oo dhawaan ka bilaaba doona koonfurta Soomaaliya.

“Shacabku waxa ugu yar oo ay ka qeyb qaada karaan waa qorshaha la iskugu furayo wadooyinka Baydhaba iyo Qansaxdheere oo hadda u go’aan cadowga, sidoo kale ATMIS iyo ciidamada kale ee ka socda Itoobiya ayaa nagala qeyb qaada doona howlgalka bilaabanaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Laftagareen

Madaxweynaha K/Galbeed iyo wasiirka gaashaandhigga XFS ayaa muddooyinkaan abaabul dagaal ka wada magaalooyinka xorta ah ee gobollada Bay iyo Bakool.

Dhawaan masuuliyiintaan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tegay degmada Xudur ee gobolka Bakool, si loo qiimeeyo abaabulka dagaalka ee ka socda gobolkaas, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh xiligaas warbaahinta u sheegay inuu u tegay dad u diyaarsan inay iska xoreeyaan Argagixisada.

Hoos ka daawo Laftagareen

The post Wararkii ugu dambeeyey ee abaabulka DAGAAL ee ka socda K/Galbeed + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this