Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimada Dhaqanka Puntland oo go’aan culus kasoo saaray khilaafkii doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   
shirka-jpg.webp?fit=720%2C540&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Isimada Dhaqanka Puntland ee maalmahan ku shirsanaa caasimadda Garoowe ayaa xalay go’aano kasoo saaray xaaladda cakiran ee Puntland iyo khilaafka arrimaha doorashooyinka.

Go’aanka isimadda oo ka kooban 11 qodob ayaa lagu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda 8-da Janaayo, islamarkaana xildhibaanada baarlamaanku ku yimaadaan sidii hore ee odayaasha dhaqanku soo xuli jireen 66-da Xubnood.

Isimadda dhaqanka oo go’aankooda si weyn loo sugayey ayaa soo jeediyey nidaamka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod in looga baahan yahay dowladda iman doonta inay sii waddo.

Go’aanka Isimada ayaa dhabar-jab xooggan ku ah madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo doonayey inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, taasi oo mucaaradka ay u arkaan isku day si dadban loogu raadsanayo muddo kororsi.

Tallaabada Deni ayaa marar badan hoggaamisay inuu dagaal ka dhaco magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana mar kale laga cabsi qabaa dagaal ballaaran, ayada oo mucaaradka ay ku jiraan hub urursi.

Doorashooyinka Puntland ayaa waqtiyeysan 8-da Janaayo 2024, balse uma muuqato in Deni waqtigaas ku qaban doono.

Hoos ka aqriso bayaanka Isimada
waraaq.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 waraaq1.jpg?resize=696%2C943&ssl=1 waraaq2.jpg?resize=696%2C928&ssl=1 waraaq3.jpg?resize=696%2C975&ssl=1

The post Isimada Dhaqanka Puntland oo go’aan culus kasoo saaray khilaafkii doorashooyinka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this