Sign in to follow this  
Deeq A.

IMF oo DF Soomaaliya u ogolaatay $100 milyan kadib heshiis culus oo la gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   
305630207_472649384906206_69280359934975

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay dawladda Soomaaliya, kaas oo ah in dalka la siiyo gargaar lacageed, iyadoo la raacayo barnaamijka waddamada dakhligooda gudaha hooseeyo ee taageerada u baahan.

War-saxaafadeed ay Arbacadii soo saartay IMF ayey ku sheegtay in Soomaaliya ay sii waddo fulinta isbeddellada dhaqaale ee xoojinaya hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa maaliyadda oo u gogol xaaraya in Soomaaliya ugu dambayn hanato in daynta laga cafiyo bisha Diisambar ee sannadkan.

Hay’adda IMF iyo dawladda Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in dalka lagu gargaaro muddo saddex sano ah kaalmo dhan 100 milyan oo dollar, iyadoo loo cuskanayo qorshaha waddamada dakhligoodu hooseeyo.

IMF waxay sheegtay in koox ka socota hay’adda oo ay hoggaaminayso Laura Jaramillo oo ka tirsan hay’adda ay wadahadallo kula galeen mas’uuliyiinta Soomaaliya magaalada Nairobi bishii September, halkaasna ay ku gaareen heshiiskan Soomaaliya u fasaxaya gargaarka dhan 100-ka milyan ee doollar.

Waxay sheegtay in go’aankan ay tahay inay ansixiyaan guddiga maamulka hay’adda IMF.

“Soomaaliya waxay samaysay horumar la taaban karo sidii ay dib ugu dhisi lahayd hay’adaha dhaqaalaha iyo kuwa lacagta,” ayey tiri Jaramillo oo hoggaaminaysay kooxda IMF ee wadahadalka la gashay Soomaaliya.

“Iyadoo la raacayo barnaamijkan gargaarka ECF (dawladaha dakhligoodu hooseeyo) oo soo socday tan iyo sannadkii 2020-kii Soomaaliya waxay sii wadday fulinta isbeddellada xooggan ee gacanta ka gaysanaya xoojinta hay’adaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee muhiimka ah,” ayey intaas ku dartay.

Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka rajo qabaan in Soomaaliya ay ku guulaysato in laga cafiyo qaanta lagu leeyahay oo dhan balaayiin doollar dhammaadka sannadkan.

VOA

The post IMF oo DF Soomaaliya u ogolaatay $100 milyan kadib heshiis culus oo la gaaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this