Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Minister Ilkajiir: Dowlada PL beel kulama dagaalamin Galgala

Recommended Posts

Ilkajiir: "Dowlada PL beel kulama dagaalamin Galgala"

 

21 Aug 21, 2010 - 8:22:23 AM

 

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose & Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlada Puntland Gen. Cabdilaahi Axmed Jamac (Ilka-jiir) ayaa si kulul u beeniyey hadalo ay baahiyeen dhowaanahaan qaar ka mid ah warbaahinta gudaha kuwaasoo sheegey in beelaha daga deganada Galgala dowladdu ku duushay.

 

Gen. ilka jiir ayaa ku tilmaamay in ummada Puntland yihiin kuwo wada dhashay oo isku masiir ah oo aan colaad qabiil ka dhaxeyn.

 

"Waxaan aad uga xumahay in la garan waayo maanka guracan ee kooxda argagixisada ah ku doonayaan in ay dagaalka dowladu la gashey ku sheegaan mid qabiil iyagoo doonaya in si kale wax u dhigaan, bulshadu waa in ay fahmaan in dowladu iyaga ka timid mas'uliyad-na ka saaran tahay difacooda basle isku duubni looga hortagi karo cadowga doonaya dibin daabyada" ayuu yirii Gen. Ilka jiir.

 

Wasiirka oo ku dheeraaday nabad galyada xili uu hadal ka jeedinayey munaasabad lagu dooranayey Gudoomiyaha Degmada Garowe ayaa xusay in dadwaynaha looga baahan yahay in aysan dhabarka u jeedin dabinka ay dhigayaan argagixisada ee la rabo in si bareera ay u wajahaan.

 

"Waxaa la yaab ah in ragii ka baqaan in ay qabtaan ruux danbiile ah oo fal amaanka lidi ku ah hortooda ku sameynaya haweenkiina soo qabteen, waa mid muujinaysa in la baqay, basle danta argagixisadu wax u dilayaan, u qarxinayaan u weerarayaan waa in ay cabsi idin galiyaan waxase la idinka rabaa in aan loo baqin, ciidamana gacan laga siiyo cirib tirkooda"ayuu intaasi ku daray Wasiirka oo hadalkiisa sii wata.

 

Cabdilaahi Axmed Jaamac "ilka jiir" ayaa ugu danbay hadalkiisa ku sheegay in aysan jirin dano gaara oo dowladu ka leedahay Galgala marka laga reebo bulshadeeda oo ay ka difaacayso cadow argagixisa ah oo dibada laga hagayo oo ku soo duulay, deegaankasina ka mid yahay deegaanada dowlada Puntland ka arimiso.

 

Dhageyso hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdulahi Axmad Jamac

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: "Puntland is not fighting with clans in Galgala"

21 Aug 21, 2010 - 3:12:17 PM

 

A minister from Somalia’s semi-autonomous state of Puntland has defended his government over claims that its engaged in clan warfare over the control of Galgala mountains.

 

Puntland's Minister for Internal Affairs, Local Government and Rural Development Gen. Abdullahi Ahmed Jaamac Ilka Jiir said Puntland people are brothers and have one aspire, adding that there is no clan conflict going on in the region.

 

"We are very disappointed about the propaganda that the terrorist group is using to mislead our people, they said the clashes are between Puntland and clan militias, which is totally incorrect. We are fighting terrorists and the people must understand that the government is there to defend them from any attack and I appeal for unite to defeat our enemy," said Gen. Ilka jiir.

 

The minister was speaking after attending a function of swearing in the District Commissioner (DC) of Garowe, Puntland’s administrative capital.

 

Gen. Ilkajir adds that the civilians must face the terrorist and not to pay attention on the propaganda issue that was made by the terrorist.

 

"It’s incredible that women are arresting the criminals who are breaching the security rather than the men who fear, it seems that there is state of fear, which has been created by the terrorist, what we need from you is not to fear from them (terrorist) instead help the security forces in defeating these terrorists," said the minister.

 

The minister said the government doesn’t have any hidden interest in Galgala Mountains, but only to defend its people from the terrorist and foreign enemy.

 

Puntland's government have long suspected that a series of bombings in Bossaso, the region’s commercial capital were organized by Galgala militants, who are accused of having links to terrorist group Al Shabaab in southern Somalia.

 

Heavy clashes between government forces and the militants have led to the deaths of scores of people in recent weeks in the mountainous region.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe(Puntlandi.com) Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac Ilka jiir ayaa mar uu ka hadlayey munaasabadii doorashada gudoomiyaha Degmada Garowe wuxuu sheegey in Dagaalka Galgala uu ahaa mid lagula dagaalamyey kooxo lid ku ahaa amaanka shacabka, Wasiirku wuxuu kaloo sheegey iney jiraan dad warxuma tashiil ah oo dagaalka ku tilmaamey mid qabiil,taasna waxba kama jiraan ayuu wasiirku yiri,

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Puntland Waxay la dagaalamaysaa Argagixiso caalamai ah"[/i]Gen,

Cabdullahi Axmed Jaamac ilkajiir

 

Iyadoo ay dhawaan Dowlada Puntland sheegtay iney soo afjartay dagaalada ay kula jirtay Kooxda Atam uu Hogaamiya ayaa Masuuliyiinta Dawladu Waxay Wali shegayaan Dagaaladan in ay kula jiraan kooxo ka mid ah Argagixisada caalamaiga ah.

 

Gen, Cabdullahi Axmed Jaamac ilkajiir Wasirka Arimaha Gudaha ee

Dawlada Puntland ayaa Mar kale ku dhawaaqay dawlada Puntland in ay la

Dagaalamayso Kooxo Argagixiso caalami ah, wuxuuna sheegay Dagaaladu in ay Wali ku gacan sarayaan Ciidmada Dawladu.

 

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan guulo farabadan oo dawladu ay ka

gaadhay Dagaaladaasi wuxuuna xaqiijyay in dhawaan Dagaaladu ay

Xogaysanayaan Islamarkaana dawladu ay ku hanwaynatahay Soo Afjarida

kooxaha Buuraha ku jira.

 

Gen. Ilka jiir wuxuu ku celceliyay Dawladu in ay Qorshaynayso

Farsamooyin badan oo kooxdaasi lagu soo Afjaro, wuxuuna Carbaabay

Ciidamada Dawladu in ay Gacan bir ah uga Hortagayso, kuna soo

Afjarayso koox Walba oo ka hortimaada Danaha iyo Jiritaan Puntland.

 

"Dawlada Puntland Lama dagaalamayso Beel gaar ah lakin Waxay dagaalka kula jirtaa Koox Argagixisa Caalamai ah" sidaasi waxaa yiri Gen,

Cabdullahi Axmed Jaamac ilkajiir Wasirka Arimaha Gudaha ee Dawlada

Puntland Xilli uu ka hadlayay Kulan lagu dooranayay Doorashada

Dugoomiyaha Degmada Garowe.

 

Wasiirka ayaa sheegay Amniga in la sugo in Waajib ku tahay Dawlada

Puntland, wuxuuna Ciidmada Amniga ku Amray in ay ka hortagaan Fal

walba oo lid ku ah Xasiloonida Deegaanada Puntland.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aaday Xilli Dawlada puntland ay

Abaabulayso dagaalo weerar Hor leh oo ay ku qaadaan kooxda Atan ee ku

Jirta Deegaanada Buuralayda ah , waxayna Dawladu shaacisay Dhawaan

Arrimaha Dagaalka in la soo afjarayo.

 

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Mr. Atam was born and raised in Galgala, in Western Bari. The commander, by the name of Jaamac, who was shot in the head in captivity, was born and raised in Baargaal, a town in East Bari though he is from Galgala by tribal affiliation.

 

 

Insurgency or internal opposition is the proper term just like ONLF is to the world eventhough Ethiopia calls it a terrorist organization. The fairly elected Col. Jama Ali Jama was called a "terrorist" and defeated by the coalition his rival arrayed against his government. (See Biyokulule's reports) So it seems this is a normal procedure for the clan state to hoodwink and mislead the world.

 

The fact remains Puntland as a fragile state had been hijacked by a cabal leadership with deep profitable ties to piracy, illegal fishing contracts with foreign trawlers, and human smugglings. It's also beholden to poor Ethiopia and its oppressive ruling establishment for nearly 20 years by the former TPLF rebel leader, Meles.

 

Gen. Ilka-jir needs to retire from his service to PL, start reaching out to his people and ask for clemency for the crimes against humanity he and his pirate boss has committed. By speaking in such a manner, he is only perturbing the locals and pushing for their subjugation, methinks..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Thankful:

quote:Originally posted by Nassir:

East Bari

LOL
:D
.

 

Yet the same individual takes offense to Eastern Sanaag.
:D it gets worse by the day

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^Maxaad isku camiraysaan,

 

Galgala -West of Bari

Bargaal - East of Bari

 

Ilko is right this is not clan war, but between warlord Farole, his agents like Ilko, and local heros. If it was a clan war, Faroole wouldn't dare to go there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:(Allpuntland)-Wasiirka Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose & Hor'umarinta reer miyiga ee dawlada Puntland Jen,Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa markii ugu horaysay si kulul uga hadlay Xaalada deegaanka Galgala oo todobaadyo kahor ay dawlada Puntland si wood ah ula wareegtay,Waxaana uu Wasiirku sheegey in Galgala Dagaalkii ay dawladu ku qaaday uu ahaa mid loo baahnaa islamarkaasna aysan dawladu

 

Jen,Ilkajiir wuxuu sheegey in Amaanka Puntland ay khalkhal balaaran ku hayeen koox yar oo uu sheegey inay yihiin Argagixiso islamarkaasna laga soo abaabulo koonfurta dalka Soomaaliya,waxaana uu Wasiirku sidoo kale sheegey in Dawlada Puntland & shacabkeedu aysan u dulqaadanayn kooxdan yar oo uu sheegey inay Falal Argagixisonimo dalka & dadkaba ku hayaan doonayaan inay Puntland amaankeeda afka ciida u daraan,Wuxuuna Shacab reer Puntland ugu yeeray inay xukuumada lashaqeeyaan.

 

"Annagu (Dawladu) uma dulqaadan karin wixii Galgala ka socday,oo dadkeena lagu dhibnaataynayey welina waxbaa kasii muuqda,Amaanka Puntland waxaa khalkhal ku bilaabay 50-Wiil oo meela taagtaagnaa awal,hadaan idiin sheegayaa Annagu uma dulqaadanayno in amaankeena ay 50Wiil khalkhaliyaa,Waxay rabaan inay falal Argagixisonimo oo Qarax,Dil,cagajuglayn & Howlo kale bibaalay,Xataa waxaanu gaarnay heer Ragu ay baqaan oo aysan soo qaban dadka dhibaatada wada Rageena waxaan leeyahay Waar Dagaal waa la gaala..Waana la dhintaa waxaase xun in aanu baqno,waa inaad Xukuumada lashaqeysaan rag & Dumarba"Ayuu yiri Jen,Ilka Jiir oo shalay ka hadlay Doorashadii Golaha Deegaanka ee degmada garoowe.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland wuxuu sidoo kale weeraray Kooxda Alshabaab oo uu sheegey inay dadka warar been abuur ah ka dhaadhicinayaan,waxaana uu intaas ku daray in Dawladu aysan cid si gaar ah ula dagaalamin ee ay soo afjarayso Koox Argagixiso ah,waxaana uu meesha ka saaray in midkamid ah Beelaha Puntland ay dawladu ku duushay.

 

"Horta dadka waxaa ugu been badan Wadaada garka dhaadheer.....Waxaa la yaab noqotay in intay Argagixisonimo dalkeena ka bilaabaan ay hadana magac Qabiil noogu soo dhuuntaan,Ogaada hadda Dadka reer Puntland waa isku isiri Waana isku qabiil,Dawladuna beel lama aysan dagaalin warkaasna waxaa sameeyey oo buunbuuniyey Koox Argagixiso ah oo maangurucan wadata"Ayuu si kulul u yiri Cabdulaahi Axmed Jaamac.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Som@li:

^Maxaad isku camiraysaan,

 

Ilko is right this is not clan war,

The fact that you don't know geography aside it seems like common sense is starting to come back. Now tell that to your other comrades, making up stories. It's not a clan war the local Al Shabaab rep Attam and his gang have been chased out of their hideouts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this