Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Deni oo labo arrin ka codsaday shacabka Puntland iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
deni.jpeg?fit=1384%2C1206&ssl=1

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa labo farriin u kala diray shacabka deegaanada maamulkaas iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah hoggaaminta Saciid Deni.

Ugu Horey Madaxweyne Deni ayaa reer Puntland ka codsaday inay aqbalaan nidaamka dimuquraadiyadda ee xukuumadiisu ay dooneyso inay hir-geliso, isagoo ku kaftamay “reer Puntland waxaa lagu xantaa inay faanka jecelyihiin, laakiin hadda cilada taagan dimuquraadiyadii ayey laqi la’yihiin,” ayuu yiri.

Saciid Deni ayaa reer Puntland ka codsaday inay dimuquraadiyadda laqaan, si Soomaalida kale ay ugu faanaan, “Shacabka iyo siyaasiyiinta reer Puntland waxaan leeyahay si aad u faantaan dimuquraadiyadda nala dhaqan geliya,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dadka ka aragtida duwan u sheegay inay talada la wada leeyahay, sidaas darteed ay ka soo qeyb galaan tartanka, “waxay noqon doontaa tallaabo weyn oo Puntland ay ku suntanaa doonto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay inay jiraan siyaasiyiin diidan in Puntland uu ka hir-galo nidaam dimuquraadi ah, isagoo codsi u diray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah qorshihiisa oo Muqdisho joogta.

“Siyaasiyiinta saaxiibadey ah ee Xamar joogta waxaan leeyahay Puntland lugaha uga fuqa, arrinta dimuquraadiyadda waa muhiim waana arrin aan wada leenahay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in wax kasta oo Puntland u qabsooma ay Soomaali oo dhan wada leedahay, balse aysan gooni ula carari dooni ‘Sida Somaliland’ sida uu sheegay.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa hadalkaan ka sheegay Bandhigga Buugaagta Nugaal ayaa yiri “Ninkii afkiisa wax ku goosan waaya hadii uu xabad ku raadiyo Shabaab ayuu la mid noqonayaa, waa kuwaas Jilib soo dhaafi la’ marka xoog wax ma taree yaan wax lagu raarin,” ayuu hadalkiisa ku soo daray Deni.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Deni oo labo arrin ka codsaday shacabka Puntland iyo siyaasiyiin ku sugan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this