Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Suldaan Mowliid oo war kasoo saaray ganacsatadii Saleebaan looga dilay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
suldaan-mowliid-saleebaan-e1698863112814

Cadaado (Caasimada Online) – Suldaanka beesha Saleebaan ee Habargidir Suldaan Mowliid Sheekh Jaamac ayaa ka hadlay dilkii magaalada Dhuusamareeb loogu geystay labo ganacsade oo ka soo jeeday beesha reer Xaaji Saleebaan.

Raggaas ayaa la aaminsan yahay in loo dilay aanoo-qabiil oo ka dhaxeysa beelaha Cayr iyo Saleebaan ee Habargidir oo ka taagan deegaanka Xananbuure oo waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Maalmo ka hor ayaa deegaankaas lagu dilay labo nin oo ka soo jeeday beesha Cayr, dilkaas ayaa la aaminsan yahay inuu sababay dilkii ka dhacay gudaha Dhuusamareeb, inkastoo aan lasoo qaban raggii geystay dilka, kuwaas oo gaari uga baxsaday goobta.

Suldaan Mowliid ayaa hadalkaan ka jeediyey qabuuro ku yaalla degmada Cadaado oo meydka labada marxuum lagu aasay, wuxuuna codsaday in lasoo qabto raggii gudaha Dhuusamareeb aanada qabiil ugu dilay labada nin ee aan waxaba galabsan.

“Dowladda iyo maamulka caasimada waxaa laga rabaa in raggii dadkaan dilay ay soo qabtaan, mid mid ayaa loo yaqaan, dadkaa waa inay cadaaladda maraan, ragaan la dilay waxay ahayeen masaakiin aan weligood cidna dulmin,” ayuu yiri Suldaanka Saleebaan.

Wuxuu u mahadceliyey ganacsatada Dhuusamareeb oo maanta diiday inay ganacsiyadooda furan, isla markaana sameeyey banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan dilkii loo geystay labada wadaad ee ganacsatada ahaa.

Suldaanka ayaa farriin u diray dadka kale ee ka soo jeeda beesha Saleebaan isagoo yiri “Ragga aan maanta aasnay waa ahlu jano, kii dilay isaga ayaa dhib qaba ee yaan loogu aarin dadka idin dhex jooga, ha idinka nabad galaan walaalihiin, dadku waa walaalo, waana islaam, waxaan idinka codsanayaan inaan la fududaan.”

Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa odayaasha dhaqanka ku dhaliilay hadallada qalafsan ee warbaahinta ay isku marinayaan “Nabad ayaan ku baaqeynaa, waxaa na deeqda nabad,” ayuu yiri Suldaanka beesha Saleebaan Suldaan Mowliid Axmed.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Suldaan Mowliid oo war kasoo saaray ganacsatadii Saleebaan looga dilay Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this